Foundation

Ku saabsan Foundation


Aniga igu saabsan ama

Magacaygu waa Muna M Abdi waxan dhashay 1970,waxan ku dhashay kuna so barbaaray magalo Madaxda Somalia Mogdishu, waxan kuso qaatay waxbarashadaydii Iskuulka oo dhamaystiran, marka laga reebo, dhawrkii sano ee noloshayda ugu horaysay,ee la so qaatay reer Abtigay, oo wakhtiga ku noolaa Baadiyaha Gobolka Mudug, o hada ka mid ah Dawlada Puntlnd.
Markii aan jiray dada Sanad iyo badh, waxa kala tagay labadaydi waarid, Madama aan ilmo aad u yar ahaa,waxay Hooyaday ila baqooshay, halki ay Waaridkeed ku noolayen, waxayna door biday in aan dhawr sano, la so noolado, ka dib markan so garay, dada todobo sano ilaa sideed sano u dhaxaysay.
Waxay igu so celisay, Magalo Madaxdii ay ku noolaayeen Qoyska Aabahay, o ay ka so jeedeen, Sanadki 1991 waxa Magalo Madaxdi so gaaray Dagaalki Ehliga ahaa e Somalia ka qarxay,aniga iyo Familkayga qayb ka mid ah, waxan door bidnay, in aan nabad galyo u raadsano, wadanka Jaarka ah e Kenya,isla Sanadki 1991, bishii September waxan u so baqoolay, wadanka Germany,in ka badan 26 Sano aan ku Nagaaday, waxan ahay German citizen, waana Hoygayga kowaad, waxa igu dhashay Afartayda Caruur ah een aduunkaugu jecelahay, Wiilka Caruurtayda ugu yar, Abschir Abdi-Hashi Hassan, dhalashadii ayaa dhaacaw Unugyada maskaxda ka so gareen, taasoo keentay culays caafimad o la so daristay.