
Abschir Hassan
Markii Abschir Hassan waa Wiilka Caruurtayda ugu yar, Dhalashadii waxku gaareen,Qadarta Allaah kasokow, Dhakhaatirtii dhalasiya ku luglahaayeen, waxa igu dhalatay dareenka ay qabto, Hooyada xaalada aan ku jiro oo kale ku haysato Somaliya, waxan goáan saday in aan wax ka caawiyo.
Abschir Hassan wuxu dhashay 1997, Maanta waa 20 jir,ku nool wadanka Germany o u kudhashay. Dhalashadii ama Fooshii ayaa Abschir waxku Gaareen, ka dib markay xudunta u goday,Taasna waxay keentay in uu ubahdo ama ahaado qof marwalba iyo xaalad walba uga maarmin baahida qofkale, Noloshiisana ku xiraato caawimada biniaadmaka. Abschir ma hadlo mana fariisan karo laáanta wheelchair, sidoo kale wuxu qaata daawo joogto ah.


Noloshiisa
Abschir marxalado adag ayuu soo maray, asagoo wali Nolosha sabinimada ku jira,Qaliimo wakhtiyo kala duwan iyo saacado badan qaatay, dulqaad iyo dhabar adayag badana uga soo gudbay, walina dhaawici dhalashada kuso gaaray, Hawada ka goday la ajligeed ayuu la Tacaalin.
Abschir Hurdada Habeenki malado xanuun aawadi, waxa u siidheer, daganasho laáan,spastic iyo epileptic, Stomach ulcers and muscular diseases. Markadse wakhti kooban Wiilkayga la qaadato, waxad dareemin farxada iyo qosolka u Noloshisa ku ilxidhay. Sida la ajligeed ma rumaysan karaysid, in u Habeenka badankiisa, sojeed xanuun badan o ay la socdaan painful attacks ku dhaafay, Hadana waagu marku baryo waxad modaa in laga masaxay, ilaaway xanuunki hurdo laáanti u xalay soo maray.
Abschir waxad ka dareemin Nolosha Macaankeeda iyo Muhiimada muxibada Nolosha, Qiimaha Nolosha inay tahay la wadaagida qalbiga farxada dhoola cadaynta ku dheehan tahay, dadka ku jecel ama kugu heeran.Waxan aamin sanahay, Abschir in uu yahay qofka kaliya een aqaan ee i dareen siiyay, Qiimaha Nolosha iyo farxada ama willed strength.

Rabitaanka ama kalsoonida adag Nolosha Abschir
Rabitaanka adag e ay ku dhehan tahay, kalsoonida wadata muxibada ama positive attitude, waxay dareen kalsooni iyo farxad galisaa, dadka Abschir ka agdhaw badankooda,marwalba iyo meelwalba,matalan, kindergarten,school u so maray ama wakhti xadirkan workplace, meesha u ka shaqeeyo, Abschir waa Geesi, ay ku farxaan dadka ku taxaluqa aragtidiisa iyo wakhti la qaadashadisa. Dhoola cadaynta Abschir waa mid qaluub badan, Raxmad iyo farxad galisa.
Abschir wuu qiimeeya u bixida banaanka sida, day trips and walks, wuxu ugu jecel yahay dhulka Biyuhu jiifaan, sida Bada, Wabiyada, ama xataa small fountains.
Abschir la kulanka ama wakhti la qaadashada asaxaabta badan, waa wax yaalaha aadka ugu weyn, u kuur galida iyo qiimaynta dadka ku hareeraysan, siba caruurta,sido kale, Abschir wuxu jecel yahay in u ahaado qofka, dadku asga ku mashquulan, dawadan, qiimeeyan,ama focus saaran. Abschir inkasta oo u culays caafimad qabo, hadana farxada ku nolashada kama tagin, Maalin walba anaga ayuu tusaale noyahay, Noloshu waa farxad Allaah ku siiyay.


